Puntland oo sheegtay in aysan jirin in lacag lagu kordhiyay ganacsatada isticmaasha dekada Boosaaso

Dekada Boosaaso. [Xigashada Sawirka: AFP]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Puntland ayaa sheegtay in aysan waxba ka jirin in wax qiimo ah lagu kordhiyay ganacsatada badeecada kala degta dekada Boosaaso.

Shir saxaafadeed ay Boosaaso ku qabteen maanta oo Isniin ah wasiirka dekadaha Puntland iyo wasiirka maaliyada ayay ku sheegeen in aysan waxba ka jirin waxa ay ganacsatadu ku doodayaan.

“Runtii waxaan shacabka u cadaynayaa in aanay waxba ka jirin waxa ganacsatadu ay albaabada dekada u xireen,” ayuu yiri wasiirka dekadaha Siciid Maxamed Raage.

“Arrinta aan cadaynayno waxaa weeye dekada Boosaaso dadka gaadiidka wata oo diiday in ay yimaadaan, laakiin dekad xiran haba yaraatee ma jirto, sidaa ha ula socdeen reer Puntland, sida ha ula socdeen ganacsatada Puntland.” Ayuu ku sii daray wasiirka dekadaha.

Dhankiisa, wasiirka maaliyada Puntland Cabdullaahi Siciid Caarshe ayaa carabka ku adkeeyay in aysan jiri wax qiimo ah oo la kordhiyay.

“Anaga oo u turayna shacabka, anagoo u turayna ganacstada, waxaan isla garanay dowlad ahaan markaan ilaa shalay shir ku jirnay in qaabkii hore oo dekadu ku shaqayn jirtay ku shaqayso, wax qiimo ah oo la kordhiyana ma jirto.” Ayuu wasiir Caarshe.

Dekada magaalada Boosaaso ayaa xirnayd dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, iyaga oo ganacsatada qaar kamid ah ay warbaahinta u sheegeen in shirkada DP World ay ku soo rogtay lacag dheeraad ah.

Shirkada DP World ayaa dekada magaalada Boosaaso la wareegtay bilowgii bishaan kadib heshiis qaadan doona 30 sanno oo ay la gashay Puntland, DP World ayaa dhisi doonta dekada, sida uu tilmaamayo heshiisku.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*