Itoobiya oo ku eedaysay wadamo shisheeye in ay dabada ka riixayaan banaanbaxyada Itoobiya

Reda
Afhayeenka dowlada Itoobiya Getachew Reda. [Sawirka: ENA]
Addis Ababa-(Puntland Mirror) Itoobiya ayaa ku eedaysay dalal shisheeye oo cadow ah in ay hubayn, tababarid, iyo dhaqaale ku bixinayaan kooxo masuul ka ah xiisada ka jirta qayb kamid ah gobolada dalkaas.

Afhayeenka dowlada Itoobiya Getachew Reda ayaa maanta oo Isniin ah shir-saxaafadeed ka magacaabay Eriteeriya, taasoo muddo dheer colaad kala dhaxaysay Itoobiya, iyo Masar oo ay Itoobiya ku muransanyihiin wadaaga biyaha Nile, isagoo sheegay in labadaas dal ay taageero ku bixinayaan xiisada ka taagan Itoobiya.

“Waxaa jira dalal kuwaasoo si toos ah ugu lug leh hubaynta, dhaqaale bixinta iyo tababarida canaasiirtan,” ayuu yiri Reda.

Masar ayaa asbuucii hore iska fogeysay in ay wax taageero ah ku bixinayso banaanbaxyada Itoobiya.

Dowlada Itoobiya ayaa wajahaysa caqabadii ugu weynayd tan iyo muddo 25-sanno ah oo ay awooda joogtay, iyadoo banaanbaxyada looga soo horjeedo dowlada ay sii fidayaan, laguna bartilmaameedsanayo shirkadaha  ajnabiga ah ee gaarka loo leeyahay.

Banaanbaxyo waa-weyn ayaa ka dhacay gobolada qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada oo ah kuwa ugu weyn dalkaas, iyagoo sheegay in awooda ay u diideen qowmiyada yar ee Tigreega oo dowlada hoggaamisa, kuwaasoo sababay in ay kaligood iska haystaan awooda iyo maamuulida dhaqaalaha dalka.

Shalay oo Axad ahayd, ayaa Itoobiya iclaamisay xaalada deg deg ah oo ay dalka kusoo rogtay kadib muddo bilo ah oo ay socdeen banaanbaxyo looga soo horjeedo dowlada, kuwaasoo ay ku dhinteen kumanaan dad ah.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*