Masuuliyiin katirsan dowladda Puntland oo soo gabagabeeyay socdaal qiimayn ah oo ay ku joogeen deegaanka Af urur

Masuuliyiin katirsan dowladda Puntland oo soo gabagabeeyay socdaal qiimayn ah oo ay ku joogeen deegaanka Af urur. [Xigashada Sawirka: Garoowe Online]
Garoowe-(Puntland Mirror) Kadib muddo todobaad ah oo ay joogeen deegaanka Af urur masuuliyiin katirsan dowladda Puntland ayaa soo gabagabeeyay socdaalkoodii, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan dowladda.

Masuuliyiinta ayaa horaantii asbuucii lasoo dhaafay deegaanka Af urur gaaray si ay u soo qiimeeyaan khasaaraha weerarkii ay dhawaan maleeshiyada Al-Shabaab la beegsadeen saldhig ay ciidamada Puntland ku lahaayeen halkaas.

Masuuliyiinta ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Amniga Cabdi Xirsi Cali Qarjab, Wasiirka Caafimaadka Cabdinaasir Cumaan Cuuke, Wasiirka Qorshaynta Shire Xaaji Faarax iyo taliyaha guud ee ciidamada Puntland Sareeye Guud Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere).

Intii ay ku guda jireen socdaalkooda, masuuliyiinta ayaa tagay saldhigyo kala duwan oo ciidamada Puntland ku leeyihiin deegaanada Buuraha Galgala ee gobolka Bari.

Msuuliyiinta ayaa la filayaa marka ay ku soo noqdaan caasimada Garoowe in ay Madaxweynaha la wadaagi doonaan qiimaynta ay soo sameeyeen.

8-dii bishaan, xagjiriin katirsan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday saldhig ay ciidamada Puntland ku lahaayeen deegaanka Af urur ee Buuraha Galgala, iyaga oo halkaas ku dilay tobonaan katirsan ciiidamada Puntland xilli habeenimo ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*