Boqolaal shacabka Muqdisho ah oo sameeyay banaanbax looga soo horjeedo weerarkii masjidka Nabiga

Banaanbax
Dadka banaanbaxa ka qaybgalaya. Sawirka: Sonna.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Boqolaal shacab ah ayaa maanta oo Isniin ah banaanbax ay uga soo horjeedaan weerarkii masjidka Nabiga ka sameeyay magaalada Muqdisho.

Dadka banaanbaxa ka qayb galay ayaa soo qaatay boorar ay ku qornaayeen “Waxaan diyaar u nahay in aan nafteena u hurno difaaca xaramaynka iyo dhiiga Muslimiinta”.

Banaanbaxa ayaa waxaa soo qabanqaabiyay culimada diinta ee Muqdisho joogta.

Qaar ka mid ah culumadii ka qayb galay banaanbaxa ayaa dad weynaha u sheegay in ay waajib ku tahay qof walba oo Muslim ah inuu ficil muujiya haddii uu dhaco weerarkan oo kale.

4-tii July, ayay ahayd markii qof naftiis halige ah uu isku qarxiyay meel u dhow masjidka Nabiga ee magaalada Madiina, waxaana ku shahiiday afar kamid ah ilaalada amaanka masaajidka.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*