Kulan u dhaxeeya masuuliyiinta sare ee Puntland iyo Raysulwasaaraha DFS oo ka furmay Garoowe

Kulanka u dhaxeeya madaxda Puntland iyo Raysulwasaaraha DFS. [Isha Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Kulan u dhaxeeya masuuliyiinta sare ee Puntland iyo Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah ka furmay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Kulanka oo ahaa kii ugu horeeyay tan iyo markii shalay uu Garoowe soo gaaray Raysulwasaaruhu ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyadda Puntland waxaana ka qeybgalay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahai Deni, Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cusmaan, Raysulwasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo kala duwan oo ay ugu weynyihiin xiriirka u dhaxeeya labada dhinac iyo dardargelinta hehiiska doorashooyinka soo socda ee qaranka oo ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*