Weerar loo maleynayo in ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo shan qof ku dilay bartamaha Soomaaliya

Diyaarada aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka. [Xigashada Sawirka: Getty Images]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Duqeymo looga shakisan yahay in ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn shan qof oo rayid ah iyo saddex ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay bartamaha Soomaaliya, sida ay wakaalada wararka ee Reuters ay u sheegeen laba hoggaamiye oo deegaanka ah Jimcihii, ka dib markii dagaalyahannada ay gabaad ka dhigteen guri ay ku jiraan qoys.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dhacdadan, iyadoo warbaahinta dowladda Soomaaliya ay sheegtay in qof dumar ah iyo labo caruur ah ay ku dhinteen miino ay maleeshiyada ku qariyeen guri ku yaala tuulada Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud.

Wakaaladda wararka ee SONNA ayaa ku warantay in saddexda maleeshiyo ee la dilay ay ka mid ahaayeen Horjoogeyaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo uu ku jiro Olol Cali Guuleed oo loo maleynayo in uu ahaa taliyihii kooxdaasi ee Galgaduud.

Dadkaan ayaa lagu dilay howlgal gaar ah oo dhacay habeenimadii Arbacada, sida ay ku warantay Wakaaladda SONNA, iyadoo xusin adeegsiga diyaarad aan duuliye lahayn iyo dilka qoyskaas.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM oo dowladda Soomaaliya ka caawiyay howlgalka sanadka jirsday ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa xaqiijiyay in saddex dagaalyahan la dilay, sidoo kalena AFRICOM ay daad gureeyeen dad rayid ah oo waxyeelo kasoo gaartay.

“Nasiib darro, dad rayid ah ayaa lagu dhaawacay oo lagu dilay agagaaraha howlgalka,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay AFRICOM. “Ciidamada Mareykanka ma aysan joogin goobta howlgalka, mana aysan sameynin duqeymo dhanka cirka ah inta uu socday ama ay taageerayaan howlgalka.”

Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ayaa dableydan ku raad-joogtay ilaa ay ka galeen guri ku yaalla Ceel-lahelay, kaasoo uu lahaa mid ka mid ah qaraabadooda, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters ugu sheegay hoggaamiye deegaanka  oo lagu magacaabo Faarax Aadan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*