Al-Shabaab oo shan qof oo ay ku eedaysay basaasnimo ku toogatay gobolka Shabeellaha Hoose

Sawirka: Maleeshiyo hubaysan oo katirsan Al-Shabaab.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa shan qof ku toogatay gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay sheegayaan wararku.

Toogashada ayaa horaantii asbuucaan ka dhacday fagaare kuyaala magaalada Kurtun-waarey ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka ay Al-Shabaab toogatay ayay ku eedaysay in ay basaasiin u ahaayeen sirdoonka dowladda Soomaaliya, iyo wadamada Kenya iyo Itoobiya.

Tani waa toogashadii ugu horeysay ee ay fuliso maleeshiyada Al-Shabaab sanadka cusub ee 2018.

Asbuucii lasoo dhaafay, Al-Shabaab ayaa dil toogasho ah ku fulisay shan qof, oo uu ku jiro wiil 16-sanno jir ah, kuwaasoo ay ku eedeeyeen in ay jaajuusiin u ahaayeen Kenya, Mareykanka iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sida ay warbixinadu muujinayaan, Al-Shabaab ayaa dil toogasho ah ku fulisay dad dhan 22 qof sanadkii hore ee 2017, oo ay ku eedeeyeen basaasnimo iyo dambiyo kale oo ay ku jiraan galmo iyo musuqmaasuq.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*