Madaxweyne Cabdiweli oo isku-shaandayn ku samayn doona golihiisa wasiiradda

Madaxweyne Cabdiweli oo isku-shaandayn ku samayn doona golihiisa wasiiradda.[Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Madaxweyne Cabdiweli oo isku-shaandayn ku samayn doona golihiisa wasiiradda.[Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa rajaynaya in uu isku-shaandayn ku sameeyo golihiisa wasiiradda inta lagu guda jiro maalmaha soo socda, sida ilo-wareedyo dowladda katirsan oo ku dhow madaxtooyada ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Ilo-wareedyada oo codsaday in aan magacooda la sheegin iyadoo arrintu tahay mid sir ah, ayaa sheegay in isku-shaandayntu ay saamaeyn doonto ilaa dhowr wasiir, balse ma aysan sheegin wasiiradda la bedeli doono.

Waxay noqon doontaa isku-shaandayntii labaad oo uu sameeyo Madaxweyne Cabdiweli tan iyo markii loo doortay madaxweynaha Puntland 8-dii bishii Febaraayo 2014-kii.

isku-shaandaynta ayaa dhici doonta iyadoo gobolku uu wajahayo abaar dabo dheeraatay iyo ammaan daro.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*