Madaxweyne Cabdiweli oo isku-shaandayn ku samayn doona golihiisa wasiiradda.[Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa rajaynaya in uu isku-shaandayn ku sameeyo golihiisa wasiiradda inta lagu guda jiro maalmaha soo socda, sida ilo-wareedyo dowladda katirsan oo ku dhow madaxtooyada ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.
Ilo-wareedyada oo codsaday in aan magacooda la sheegin iyadoo arrintu tahay mid sir ah, ayaa sheegay in isku-shaandayntu ay saamaeyn doonto ilaa dhowr wasiir, balse ma aysan sheegin wasiiradda la bedeli doono.
Be the first to comment