Masuuliyiin hore oo xal u raadinayay khilaafka siyaasadeed ee Puntland oo soo saaray talo-soojeedino

Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli.
Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli. [Sawir Hore]

Garoowe-(Puntland Mirror) Raysulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo waday dedaalo lagu xalinayo khilaafka siyaasadeed ee ka jira Puntland ee ku saabsan doorashooyinka soo socda ee baarlamaanka iyo madaxweynaha, ayaa soo saaray war-saxaafadeed maanta oo Talaado ah.

War-saxaafadeedka ayay ku soo jeediyeen tallooyin ay ugu horeyso in la dhowro dowladnimada Puntland, lagana wada qeybqaato ilaalinta xasiloonida iyo nabadgelyada.

Waxa kale oo ay soo jeediyeen in la badbaadiyo barnaamijka dimuqraadiyada Puntland. Iyo in lagu heshiiyo lifaaq shannaad oo dhammaystira barnaamijka dimuqraadiyada Puntland iyadoo aan dib loogu noqon nidaamka beelaha.

Siyaasiyiinta ayaa sheegay in la joojiyo furista dastuurka si wax ka bedel loogu sameeyo. Iyo in doorashada madaxweynaha ku dhacdo xilligeeda ahaa 8-da Janaayo 2024.

Waxay sidoo kale soo jeediyeen sagaalka urur siyaasadeed ee diiwaangashan ay noqdaan xisbiyo siyaasadeed ee Puntland muddo shan sanno ah kana qeybgalaan doorashada golaha wakiilada ee soo socota.

Ugu damabayn, waxay ku taliyeen in doorashada xildhibaanada gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn looga dambeeyo hoggaanka dhaqanka ee goboladaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*