Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay wasiirka arrimaha dibada Jamhuuriyada Islaamiga Mauritania

d6c73534-4100-4919-8cb1-452e2d891ed5-1
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo wasiirka arrimaha dibada Mauritania, Mudane Isselkou Ould Ahmed Izid Bih.

 

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta oo Isniin ah ku qaabilay xarunta madaxtooyada wasiirka arrimaha dibada Jumhuuriyada Islaamiga Mauritania, Mudane Isselkou Ould Ahmed Izid Bih oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wasiirka ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyay martiqaad uu uga siday Madaxweynaha Mauritania Mohamed Ould Abdel Aziz, taasoo ku saabsanayd ka qaybgalka shir madaxeedka Jaamacada Carabta oo dhamaadka bisha dambe ka dhici doona magaalada Nouakchott ee caasimada dalka Mauritania.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa aqbalay martiqaadkaas isagoo sheegay in shirkaas uu muhiim u yahay Soomaaliya ayna ka qaybgali doonto.

Wasiirka arrimaha dibada Mauritania ayaa sheegay in dalkiisa uu markii ugu horeysay martigelin doono shir madaxeedka Jaamacada Carabta kaasoo ajandayaasha xooga lagu saarayo ay kamidtahay arrimaha Soomaaliya iyo sidii wadamada Carabta ay gacan taageero uga geysan lahaayeen wadanka Soomaaliya.

Ugu dambayna kulanka waxaa goobjoog ka ahaa wasiiru dowlaha arrimaha dibada dowlada federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cali iyo masuuliyiin kale oo dowlada katirsan.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*