Maleeshiyaad katirsan Al-Shabaab oo la wareegay deegaanka Af Urur

Dagaalyahano Al-Shabaab ah oo maraya Buuraha Galgala. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Maleeshiyaad katirsan Al-Shabaab ayaa maanta oo Sabti ah la wareegay deegaanka Af Urur oo kuyaala Buuraha Galgala, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Maleeshiyada ayaa la wareegtay deegaankaas kadib markii ciidamada Puntland ay ka baxeen, sida ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Masuuliyiinta Puntland kama aysan hadlin qabsashada Af Urur.

Labo sanno kahor maanta oo kale 8-dii June 2017, Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada Puntland ku lahaayeen deegaanka Af Urur, waxayna ku dileen ku dhawaad 35 askari.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*