Madaxweynaha Soomaaliya oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Belgium u fadhiya Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo safiirka cusub ee Belgium u fadhiya Soomaaliya Roxane de Bilderling.

 

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta oo Isniin ah waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee boqortooyada Belgium u qaabilsan Soomaaliya Roxane de Bilderling.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa balanqaaday in dowladiisa ay si buuxda ula shaqayn doonto safiirka cusub ee Belgium, wuxuuna bogaadiyay doorka Belgium ay ku leedahay arrimaha Soomaaliya.

Safiir Roxane de Bilderling ayaa sheegtay in wadankeeda oo qayb ka ah Midowga Yurub uu balanqaaday adkaynta xiriirka labada dal u dhaxeeya.

Dowlada Belgium ayaa sheegtay in ay Soomaaliya kala shaqayn doonto dhinacyo kala duwan oo ay kamidyihiin la dagaalanka argagixisada, amaanka, dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*