Maxkamada Ciidamada Soomaaliya oo dil toogasho ah ku xukuntay eedaysane loo haystay in uu magaalada Baydhabo ku dilay Shiikh caan ahaa

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajadda Kowaad ee Ciidamadda Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Nuur Cali Shuute. [Sawirka: Archive]
Baydhabo-(Puntland Mirror) Maxkamada Ciidamada Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah dil toogasho ah ku xukuntay eedaysane loo haystay in uu gudaha magaalada Baydhabo ku dilay Shiikh caan ahaa.

Maxamed Aadan Cali oo la sheegay in uu katirsanyahay ururka Al-Shabaab uuna gacantiisa ku dilay Shiikha ayaa maxkamadu ku xukuntay dil toogasho ah, Gudoomiyaha Maxkamadda Darajadda Kowaad ee Ciidamadda Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Nuur Cali Shuute ayaa iclaamiyay go’aanka ugu dambeeya ee maxakamada.

Labo nin oo kale oo la socday ninka dilka lagu xukumay markii uu Shiikha dilayay ayaa maxkamadu ku xukuntay xabsi.

Shiikh Maxamed Madeer ayaa intii lagu guda jiray bishaan barakaysan ee Ramadaanta lagu dilay masjid kuyaala gudaha Baydhabo xilli uu tukanayay salaada Taraawiixda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*