Madaxweynaha dowladda Puntland oo dib u fasaxay doorashada xildhibaanada aqalka hoose kadib markii madaxweyne ku xigeenka joojiyay

Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawirka: xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland]
Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawirka: xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa joojintii ka qaaday doorashada Garoowe ka socota ee xildhibaanada aqalka hoose, taasoo daba socotay amar uu madaxweyne ku-xigeenka Puntland soo saaray Isniintii oo uu ku joojiyay doorashada, sida ay xubin katirsan guddiga doorashooyinka dadban ee heer Puntland u sheegeen Puntland Mirror.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Cabdixakiin Cumar Camay, ayaa Isniintii lasoo dhaafay soo saaray digreeto uu ku joojinayo doorashada xubnaha aqalka hoose, iyada oo uu sheegay in uu ku diidanyahay sida loo qeybiyay qoondada qabiilooyinka Sool iyo Sanaag ee xubnaha aqalka sare ee maamulka Somaliland u matalaya dowladda federaalka Soomaaliya.

Sida xubin katirsan guddiga doorashooyinka ee heer Puntland u sheegeen Puntland Mirror, hanaanka doorashada ayaa sii socon doonta maalmaha soo socda, ilaa iyo hadda 22 xildhibaan ayaa lasoo doortay iyadoo tirada xildhibaanada Puntland u matali doona aqalka hoose ee Soomaaliya ay yihiin 37 xildhibaan.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*