Puntland oo laga roob doonay iyadoo ay jiraan abaaro

Boqolaal qof ayaa ka qaybgashay roob doonta ka dhacday maanta oo Isniin ah duleedka Garoowe. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Salaad roob doon ah ayaa maanta oo Isniin ag laga oogay magaalooyinka waa weyn ee Puntland iyadoo dhawaan uu iclaamiyay wasiirka cadaalada iyo diinta & awqaafta dowlada Puntland, Saalax Xabiib Jaamac.

Garoowe, duleedka waqooyi ayaa la isugu soo baxay si halkaas loogu oogo labada rakcadood ee roob doonta Ilaahayna dambi dhaaf loo weydiisto iyo raxmad.

Waxaa goobtaas isugu tagay boqolaal dad ah iyadoo madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camay uu dadka kala qaybgalay salaada roob doonta.

Culumadii salaada ka qaybgashay ayaa halkaas kasoo jeediyay ducooyin badan oo ay Ilaahay uga baryayaan in uu ka dulqaado abaarta.

Gobolada Puntland ayaa waxaa ka jira abaaro baahsan, iyadoo bishaan Oktoobar la filayo in ay da’do xilli roobaadka Dayrta oo ah mida ugu yar xilli roobaadyada.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*