Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo sheegay in uu doonayo sidii dalkiisa looga saari lahaa wadamada Mareykanku mamnuucay muwaadiniintooda

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo sheegay in uu doonayo sidii dalkiisa looga saari lahaa wadamada Mareykanku mamnuucay muwaadiniintooda. [Sawirka: Archive]
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo sheegay in uu doonayo sidii dalkiisa looga saari lahaa wadamada Mareykanku mamnuucay muwaadiniintooda. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono sidii dalkiisa looga saari lahaa liiska dalalka muwaadiniintooda laga mamnuucay soo galitaanka Mareykanka.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo loo yaqaan “Farmaajo” ayaa idaacada VOA-da wareysi uu siiyay Jimcadii ku sheegay in uu qorsheynayo sidaas.

“Waa masuuliyadayda in aan arrintan kala hadlo dowladda Mareykanka si ay ugu gudbiyaan fariintayada madaxweynaha iyo dowladdiisa in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo wanaagsan oo shaqo badan,waxay qoysaskooda wax ku baraan gudaha Mareykanka. Marka waanu arkaynaa haddii uu badalo siyaasadda oo liiska ka saaro dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo waxa uu haystaa dhalashada Mareykanka waxaana uu muddo badan noloshiisa ku qaatay gudaha Mareykanka, gaar ahaan magaalada waqooyi ee Buffalo.

8-dii bishaan oo ku beegnayd Arbacadii lasoo dhaafay ayaa baarlamaanka Soomaaliya u doorteen madaxweynaha cusub ee dalka, waxaana la filayaan maalmaha soo aadan in uu xafiiska Villa Soomaaliya la wareego.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka ku jira liiska go’aan uu bishii hore soo-saaray Madaxweyne Donald Trump oo uu muwaadiniinta kasoo jeeda wadamadaas kaga mamnuucayo in ay soo galaan gudaha Mareykanka.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*