Ugu yaraan labo askari oo ciidamada Puntland ah oo ku dhimatay qarax miinada dhulka lagu aaso ah oo ka dhacay buuraha Galgala

Gaari ay leeyihiin ciidamada ammaanka Puntland oo maraya buuraha Galgala. [Sawirka: Archive]
Gaari ay leeyihiin ciidamada ammaanka Puntland oo maraya buuraha Galgala. [Sawirka: Archive]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Ugu yaraan labo askari oo ciidamada Puntland ah ayaa ku dhimatay 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen buuraha Galgala ee gobolka Bari kadib markii gaarigii ay saarnaayeen uu qarax la kacay maanta oo Talaado ah, sida ay ilo-wareedyo ammaanka ah u sheegeen Puntland Mirror.

Askartii dhaawacantay ayaa loo qaaday isbitaalka si loogu daaweeyo badankoodna waxa ay ku suganyihiin xaalad wanaagsan, sida saraakiil caafimaad ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Ma jirto cid si dhaqso ah u sheegatay masuuliyada qaraxa maanta oo Talaado ah, balse kooxda Al-Shabaab garabkeeda buuraha Galgala ayaa qaaday weeraro kan lamid ah intii lagu guda jiray sanadadii lasoo dhaafay.

Boqolaal ciidamada dowladda ah ayaa ku dhimatay weerarada u dhaxeeya Puntland iyo maleeshiyada Al-Shabaab tan iyo 2010-kii.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*