Ugu yaraan 22 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay waqooyiga-galbeed ee Pakistan

Ugu yaraan 22 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay waqooyiga-galbeed ee Pakistan. [Xigsahada Sawirka: Al-Jazeera]
Ugu yaraan 22 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay waqooyiga-galbeed ee Pakistan. [Xigashada Sawirka: Al-Jazeera]
Islamabad-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 22 qof ayaa ku naf waayay tobonaan kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax maanta oo Jimce ah ka dhacay suuq mashquul badan oo kuyaala waqooyiga-galbeed ee dalka Pakistan, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha iyo warbaahinta maxaliga ah.

Qaraxa ayaa ka dhacay suuq mashquul badan oo kuyaala magaalada Parachinar oo u dhow xuduuda Pakistan la leedahay dalka Afghanistan, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Tirada dhimashada ayaa laga yaabaa in ay siyaado iyadoo dhaawacyada la sheegay in ay qaarkood yihiin kuwo daran.

Parachinar waa caasimada deegaan beeleedka Kurram ee waqooyiga-galbeed Pakistan, waxayna 275-km dhanka galbeedka uga beegantahay caasimada Islamabad. Magaalada ayaa waxaa ka dhacay weeraro  argagixiso oo badan intii lagu guda jiray xilliyadii dhawaa ee lasoo dhaafay.

Ilaa iyo hadda ma jirto urur sheegtay masuuliyada weerarkaas. Si kastoo ay ahaataba urur xagjiriin Snni ah oo la dhaho Lashkar-e-Jhangvi ayaa sheegtay masuuliyada weeraro hore oo ka dhacay gudaha magaalada, oo uu kamid ahaa mid dhacay bishii lasoo dhaafay ee Janaayo kaasoo lagu dilay 25 qof.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*