Michael Keating: Doorashada madaxweynaha Soomaaliya waxay dhicii doontaa 15-ka December

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating. [Xuquuqda Sawirka: UN News Centre]
Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating. [Xuquuqda Sawirka: UN News Centre]
Garowe-(Puntland Mirror) Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa dib u dhacday ilaa iyo 15-ka bisha soo socota ee December, sida uu sheegay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating.

Michael Keating oo shalay galab oo Jimce ahayd la hadlay BBC-da qaybteeda Afrika, ayaa sheegay in doorashada aysan dhici Karin wakhtigii hadda kahor loo asteeyay, laakiin hadda ay dhacayso 15-ka December.

“Waxaa la filayo in ay dhacaan waa wax sida saddex meelood labo meel oo ah doorashada xildhibaanada aqalka hoose… waxaa iyana jiri doonta wakhtiga doorashada afhayeenada aqalka hoose iyo aqalka sare iyo ku xigeenadooda iyo wakhtiga doorashada madaxweynaha,” ayuu Michael Keating u sheegay BBC-da.

“Waxaan qiyaasayaa in doorashada madaxweynaha ay dhici doonto 15-ka December,” ayuu ku daray.

Ilaa iyo hadda 130 xildhibaan oo aqalka hoose ah iyo 43 aqalka sare ah ayaa lasoo doortay. Aqalka hoose ayaa ka kooban 275 xildhibaan halka aqalka sare uu koobanyahay 54 xildhibaan

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey qorshu ahaa in ay dhacdo bishii lasoo dhaafay ee Agoosto, laakiin xukuumada Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dhawaan dib ugu dhigtay 30-ka bishaan November, haddana waa 15-ka December.

Madaxweynaha hadda xilka haya ee Soomaaliya Xasan Shikh Maxamuud iyo Raysulwasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa u sharaxan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*