Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka oo sheegay in uu gabi ahaanba ka tagi doono ganacsiga si uu diirada u saaro madaxweynenimada

Madaxweeynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump. [Sawirka: Bloomberg News]
Madaxweeynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump. [Sawirka: Bloomberg News]
Washington-(Puntland Mirror) Madaxweeynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu gabi ahaanba ka tagi doono ganacsiga si uu diirada u saaro ugana fogaado u arkida dhibaatooyinka gaarka ah.

Mr Trump ayaa sheegay in uu qorshihiisa kusoo badhigi doono shir saxaafadeed bisha soo socota, iyadoo ay weheliyaan caruurtiisa, sida uu ku sheegay boggiisa Twitter-ka.

“Waxaan ku qaban doonaa New York shir saxaafadeed weyn, aniga iyo caruurtayda 15-ka bisha December si aan uga hadlo dhabtii in aan ka tago ganacsigayga gabi ahaan si aan si buuxda diirada ugu saaro u shaqaynta dalka si aan Mareykanka markale ugu samayno mid weyn,” ayuu yiri Trump.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka ayaa horey ugu sheegay wargeyska New York Times in uu tixgelinayo kala saarida labada masuuliyadood laakiin uu kalsooni ku qabo in uu qaban karo labadaba.

Saddex kamid ah caruurtiisa oo kala ah, Ivanka, Eric and Donald Jr ayaa horey xilal ka hayay ganacsigiisa.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*