Madaxii hore ee suuq gaynta shirkada isgaarsiinta Golis oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay meel u dhow Garoowe

????????????????????????????????????
Marxuum Cumar Ciise Maxamed, madaxii hore ee suuq gaynta Golis.

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxii hore ee suuq gaynta shirkada isgaarsiinta Golis ee Puntland Cumar Ciise Maxamed oo loo yaqiin Cumar Faaruuq iyo wiil uu dhalay ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay meel u dhow magaalada Garoowe, sida ay Puntland Mirror u sheegeen saraakiisha caafimaadka isbitaalka Garoowe.

Shilka oo ka dhacay meel u dhow magaalada Garoowe maanta oo Jimce ah ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay dad kamid ah qoyska marxuum Cumar Faaruuq oo gaariga la saarnaa.

Shilalka gawaarida ayaa ah kuwa mar walba ka dhaca gudaha Puntland iyo Soomaaliya oo dhan waxaana u sabab ah wadooyinka oo xun iyo darawalada oo aan lahayn khibrad ku filan.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*