Madaxweyne Erdogan: ‘Waa la i dilli lahaa’

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo wareysi siinaya taleefishinka CNN.

Istanbul-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in la dili lahaa haddii uusan ka bixin huteel uu joogay kahor isku-daygii inqilaabkii militari ee fashilmay oo dhacay habeenimadii Jimcadii lasoo dhaafay.

Erdogan oo wareysi siiyay taleefishinka CNN shalay oo Isniin ahayd ayaa yiri “Haddii aan 10 ama 15 daqiiqo oo dheeri ah joogi lahaa halkaas, waa la i dilli lahaa ama waa la i kaxaysan lahaa.”

Labo kamid ah ilaalada madaxweynaha ayaa toogasho lagu dilay wax yar kadib markii uu Erdogan ka baxsaday magaalo xeebeedka Marmmaris oo uu fasax la qaadanayay qoyskiisa markii uu dhacay isku-daygii afgembiga fashilmay.

Kadib markii uu soo baxsaday, waxaa uu kasoo dagay garoonka caalamiga ee Istanbul, wakhti aan dheerayn kadib garoonka waxaa ka qabsaday askartii inqilaabka waday kumanaan shacab ah oo kasoo horjeeday afgembiga kuwaasoo la wareegay maamulka garoonka.

Sidoo kale diyaaradaha dagaalka oo ay isticmaalayeen askarta afgembiga samaysay ayaa argay diyaarada Madaxweyne Erdogan oo safar ku ah Istanbul, balse ma aysan soo ridin.

Inta uusan ka tagin huteelkii uu kaga sugnaa magaalo xeebeedka Marmaris Erdogan ayaa awood u yeeshay inuu si toos ah u la hadlo taleefishinka CNN Turki isagoo isticmaalayay Facebook Messenger wuxuuna ugu baaqay dadka in ay u soo baxaan wadooyinka si ay uga mudaaharaadaan afgembiga.

Fariintiisii waxay sababtay in malaayiin shacab ah ay guryaha banaanka uga soo baxaan ayna ka hortagaan askartii wadooyinka magaalooyinka waa-weyn kasoo buuxiyay taangiyada iyo baabuurta gaashaaman.

Tan iyo intii uu dhacay isku-daygii afgembiga fashilmay, ugu yaraan 6,000 oo qof ayaa lagu xiray gudaha dalka, kuwaasoo lala xiriirinayo afgembiga, waxaana kamid ah dadkaas, xeer-beegtiyo, xeer ilaaliyeyaal, saraakiil booliis iyo saraakiil sare oo militari ah.

Hoos ka Daawo wareysiga taleefishinka CNN la yeeshay Madaxweyne Erdogan.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*