Maleeshiyada Al-Shabaab oo Mukhtaar Roobow ku eedaysay in uu riddoobay ayna banaantahay in la dilo

Cali Maxamuud Raage, afhayeenka Al-Shabaab. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegtay in hoggaamiyahoodii hore kaasoo isku dhiibay dowladda Soomaaliya uu riddoobay ayna banaantahay in la dilo.

Hoggaamiye ku xigeenkii hore ee Al-Shabaab, Mukhtaar Roobow Abu Mansuur ayaa sanadkii 2013-ka ka tagay maleeshiyada Al-Shabaab. Bishii lasoo dhaafay ee Agoosto ayuu isku dhiibay dowladda Soomaaliya.

“Haddii Mukhtaar Roobow uu umaleynayo in uu burburin karo Shareecada Islaamka iyo Mujaahidiinta, waa uu khaldamay. Ilaahay ayaa difaacaya Islaamka iyo Jihaadka mana ay joojin karaan adiga iyo kuwa sidaada oo kale ah ee ku biiray cadowga,” Cali Maxamuud Raage, afhayeenka Al-Shabaab, ayaa sidaa ku sheegay muuqaal la daabacay shalay oo Isniin ahayd.

“Shaki kuma jiro in Mukhtaar Roobow uu diinta ka baxay uuna ku biiray diin laawayaasha iyo cadowga,” ayuu yiri afhayeenka Al-Shabaab.

“Qof walba oo ku biira dhanka diin laawayaasha waa riddoobeen waxaana banaan in la dilo.” ayuu ku sii daray.

Mukhtaar Roobow weli kama uusan hadlin hadalka kasoo baxay Cali Maxamuud Raage.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*