Madaxweyne Deni: Somaliland waa in ay dhammaan deegaanada Sool iyo Sanaag uga baxaan si nabadgelyo ah

Ciidamada tababarka dhammeystay. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Qardho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu baaqay maamulka Somaliland in ay si ka baxaan dhammaan deegaanada gobolada Sool iyo Sanaag ee ay qabsadeen.

Isaga oo ka hadlayay munaasibad lagu soo xirayay tababar ciidan gudaha magaalada Qardho maanta oo Axad ah, Deni ayaa sheegay in haddii Somaliland aysan si nabadgelyo ah uga bixin deegaanadaas uu dagaal khasab yahay.

“Puntland waxaa ka go’an inay cadawgeeda Iska dhicinayso, diyaar u tahay inay nidaamkeeda dastuurka ah ku dhaqanto, soo celiso dhulka ka maqan, cidhibtirto argagixisada, diyaarna u tahay cidkasta oo nabad iyo wadahadal laga helikaro ay la gasho heshiis, haddii ay ka weydona ay awood kusoo ceshanayso,” ayuu yiri.

Wxaana uu ku sii daray: “waxaan ugu baaqaynaa Soomaaliland si sharafleh inay dhulka Puntland uga baxdo, dhiig walaal madoonayno, horumarbaan rabnaa, deris wanaag baan rabnaa”.

Madaxweyne Deni oo xafiiska yimid bishii Janaayo 2019, ayaa dadaal weyn ku bixiyay dib u habeynta ciidamada Puntland, kuwaasoo sanadihii u dambeeyay la daalaa dhacayay dhibbaatooyin badan.

Ciidamo badan oo ay kamidyihiin ilaalada madaxtooyada iyo Daraawiishta ayaa loo furay tababaro, sidoo kalena lagu diiwaangeliyay nidaamka casriga ah ee Biometric-ka, kaasoo ka caawinaya in la helo tiro ciidan oo sax ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*