Koobka Qaramada Afrika oo la qaban doono bilaha June iyo July waxaana laga dhigay 24 qaran

Koobka Qaramada Afrika oo la qaban doono bilaha June iyo July waxaana laga dhigay 24 qaran. [Sawirka: Archive]
Rabat-(Puntland Mirror) Koobka Qaramada Afrika ayaa la qaban doonaa bilaha June iyo July ee sanadka 2019, Xiriirka Kubada Cagta Afrika (CAF) ayaa sidaa xaqiijiyay.

Koobka ayaa awal la qaban jiray bilaha January iyo February, taasoo sababi jirtay in xidigaha Afrika u dhashay ee u ciyaara naadiyaasha Yurub ay ka tagi jireen kooxahooda si ay ugu soo ciyaaraan qaramadooda.

Sidoo kale waxaa la kordhiyay qaramada ka qeybgalaya koobka sanadka 2019, waxaan laga dhigay 24 wadan halka awal ay ka ahayaayeen 17 dal.

Tilaabooyinkan la qaaday ayaa yimid kadib kulan xiriirka sare ee CAF uu ku yeeshay maagaalada Rabat ee dalka Morocco.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*