Wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya oo xafiiska la wareegay

Wasiirkii hore Cabdiraxmaan Odowaa oo xilka ku wareejinaya wasiirka cusub Cabdi Faarax Juxa. [Xigashada Sawirka: Facebook]
Wasiirkii hore Cabdiraxmaan Odowaa oo xilka ku wareejinaya wasiirka cusub Cabdi Faarax Juxa. [Xigashada Sawirka: Facebook]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid sidoo kale loo yaqaan “Juxa” ayaa maanta oo Sabti ah si rasmi ah ula wareegay xafiiska wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Cabdi Faarax ayaa sheegay in xil-wareejintu ay hortaalo shaqo adag ayna diirada saari doonaan sidii shacabka loogu adeegi lahaa.

“Sharaf bay noo tahay in aan xafiiskan la wareegno, waxaana jecelnahay inaan shaqada halkaas kasii wadno, waana wada-shaqayn doonaa,” ayuu yiri Juxa.

Waxa uu xusay in ay ku shaqayn doonaan niyad wanaagsan, hufnaan iyo wadatashi si meesha looga saaro xaaladda adag ee dalka ka jirta.

Xil-wareejinta ayaa timid saddex beri kadib markii xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyeen golaha wasiiradda oo uu soo dhisay Raysulwasaare Xasan Cali Khayre.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*