QM oo sheegtay in qiyaastii 100,000 qof lagu khasbay in ay guryahooda ka cararaan gudaha Muqdisho

Dadka guryahooda ka cararaya. [Isha Sawirka: Facebook]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Qiyaastii 100,000 qof ayaa lagu khasbay in ay guryahooda ka cararaan gudaha magaalada Muqdisho kadib isku dhacyo dhexmaray labbo ciidan oo katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Dadka barakacay ayaa waxaa kamid ah dad gudaha ku barakacay oo nugul kuwaas oo magangalyo ka raadsadey magaalada Muqdisho laakiin u soo cararay si ay magangalyo uga helaan daafaha magaalada, Qaramada Midoobay ayaa intaas ku dartay.

Horaantii asbuucaan, labo ciidan oo katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dagaalo ku dhexmareen gudaha Muqdisho. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka soo baxay jiida hore oo ka soo horjeeda muddo kororsiga xukuumada Farmaajo ay soo galeen magaalada.

Bilihii u dambeeyay, Somaaliya waxay wajahaysay khilaaf ku saabsan doorashada, iyadoo muddo xileedkii haayadaha dowladda uu idlaaday. Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo wakhtigoodu dhammaaday ayaa horaantii April sheegay in muddo labbo sano ah ay u kordhiyeen xukuumada Farmaajo.

Tilaabada baarlamaanka ayaa cambaarayn iyo goodino ay kamidtahay cunoqabatayn kala kulantay dalalka taageera Soomaaliya sida Mareykanka, Midowga Yurub, iyo Midowga Afrika.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*