Hoggaamiyaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eriteeriya oo wadahdalo ku yeelan doona Asmara

Hoggaamiyaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eriteeriya. [Sawir Hore]
Asmara-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Raysulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eriteeriya Isaias Afwerki ayaa wadahadalo ku yeelan doona magaalada Asmara.

Raysulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa bartiisa Twitter-ka ku yiri:”Waxaan la kulmi doonaa walaalahay, hoggaamiyaasha Eriteeriya iyo Soomaaliya, Madaxweyne Isaias Afwerki, iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaana ka wadahadli doonaa arrimo badan.”

Saddexda hoggaamiye ayaa horey u soo yeeshay kulamo ay diirada ku saarayeen xoojinta xiriirka gobolka Geeska Afrika.

Xiriirka ka dhaxeeya saddexda dal Itoobiya, Soomaaliya iyo Eriteeriya ayaa hagaagtay laga soo bilaabo markii uu xukunka qabtay Raysulwasaare Abiy bishii Maarso 2018, kaasoo dadaalada nabadaynta oo uu ku guuleystay gaar ahaan xiisadii wakhtiga-dheerayd ee u dhaxeysay Itoobiya iyo Eriteeriya keentay in la siiyo abaalmarinta caalamiga ah ee Nobel Peace Prize.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*