Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha DFS oo loo doortay aqalka hoose iyadoo guddiga doorashooyinka ay horey ugu diideen ka qeybgalka doorashada

Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Nuux. [Sawirka: Archive]
Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Nuux. [Sawirka: Archive]
Jowhar-(Puntland Mirror) Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Nuux ayaa maanta loo doortay xildhibaan aqalka hoose ah kadib doorasho ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta maamul goboleedka Hir-Shabeelle.

Wasiirka la doortay ayaa dhawaan guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya waxay ka reebeen in uu u tartamo xubinimada aqalka hoose kadib markii lagu eedeeyay fowdo 18-kii bishii November ee lasoo dhaafay ka dhacday hoolka doorashada ee Jowhar.

Ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya.

Sababta loogu diidi waayay Maxamed Cabdullaahi Nuux in uu doorashada ka qeybgalo ayaa la sheegayaa in ay tahay taageero uu ka heysto madaxtooyada Villa Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Doorashooyinka ka socda dalka ee aqalka hoose ayaa waxaa hareeyay musuq-maasuq baahsan iyo wax is-dabo marin aan waligeed ka dhicin wadanka ay dagaaladu halakeeyeen ee kuyaala Geeska Afrika.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*