Kolonyo Somaliland ah oo uu ku jiro wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo lagu weeraray gobolka Sool

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed. [Sawir Hore]
Laascaanood-(Puntland Mirror) Kolonyo masuuliyiin katirsan Somaliland oo uu ku jiro wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed ayaa weerar gaadmo ah loogu geystay deegaan katirsan gobolka Sool, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo deegaanka ah.

Kolonyada ayaa ku sii jeeday deegaanka Dhumay ee gobolka Sool waxayna ka yimaadeen magaalada Laascaanood. Ujeedka safarkooda ayaa lagu soo waramayaa in uu ahaa sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dadaalada lagu dhex-dhexaadinayo dagaal beeleedka dhawaan deegaankaas ka dhacay, oo ay ku dhinteen dad ka badan 50 qof.

Ilo-wareedka ayaa intaas ku daray in kolonyada ay weerareen ciidamo katirsan Puntland. Lama oga ilaa iyo hadda haddii uu khasaare ka dhashay weerarkaas oo dhacay maanta oo Axad ah.

Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa weli isku hor-fadhiya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaas oo ay dagaalo ku galeen bishii May ee sanadkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*