Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub Ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweyne Farmaajo oo salaamaya danjiraha cusub ee Ingiriiska Ben Fender. [Xigashada Sawirka: Villa Somalia]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Axad ah waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub Ingiriiska u fadhiyi doona Soomaaliya.

Danjiraha cusub Ben Fender ayaa aqbalaada kadib kulan la yeeshay madaxweyne Farmaajo, waxaana ay ka wadahadleen labada dal iyo sidii sare loogu qaadi lahaa wadashaqaynta iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dowladood, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweynaha iyo danjire Ben Fender ayaa ka wada hadlay in dowladda Ingiriisku ay xoojiso taageerada ay u fidiso dowladda Soomaaliya ee dhanka tababarka ciidamada booliiska iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Dabayaaqadii bishii Janaayo ee sanadkan, ayaa Ingiriisku Ben Fender u soo magacaabeen danjiraha Soomaaliya, isaga oo badalay David Concar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*