Ugu yaraan 19 qof oo ku geeriyooday dagaal cusub oo ka dhacay dalka Yeman oo u dhaxeeya falaagada Xuutiyiinta iyo xoogaga taabacsan dowladda

Askari kamid ah ciidamada taageersan Madaxweyne Abd Rabbu Mansour Hadi. [Sawirka: Reuters]

Sanca-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 19 qof ayaa lagu dilay dagaal cusub oo u dhaxeeyay falaagada Xuutiyiinta iyo xoogag taageersan dowladda oo ka dhacay gobolka koonfurta-galbeed ee Shabwah, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Saddex kamid ah ciidamada taageersan Madaxweyne Abd Rabbu Mansour Hadi iyo 16 dagaalyahanada Xuutiyiinta ah ayaa ku geeriyooday dagaalkaas oo dhacayay saddexdii maalmood ee u dambeeyay, sida ay ku warameen wakaaladaha wararka caalamiga ah oo soo xigtay saraakiil maxali ah.

Dalka Yemen ayaa waxaa ka dhacay dagaalo dhiig badan ay ku daateen tan iyo sanadkii 2014-kii, markaas oo falaagada Xuutiyiinta ay weerar kusoo qadaadeen caasimada Sanca, iyo qeybo kale oo kamid ah dalka.

Dagaalada ayaa sii xoogeystay 2015-kii markii Sucuudi Caraabiya iyo wadamo kale oo Carab ah ay weerar dhanka hawada ah ku qaadeen falaagada Xuutiyiinta.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*