Afhayeenkii ururka ISIS Abu Maxamed Al-cadnaani oo lagu dilay gudaha dalka Suuriya

Mohammad-al-Adnani
Afhayeenkii ururka ISIS Abu Maxamed Al-cadnaani.

Damascus-(Puntland Mirror) Afhayeenka ugu weynaa ee ururka ISIS, Abu Maxamed Al-cadnaani ayaa lagu dilay gobolka Aleppo ee dalka Suuriya, sida uu sheegay website-ka ku dhow kooxda ISIS.

Website-ka Amaq oo kamid ah warbaahinta lala xiriiriyo ISIS, ayaa sheegay shalay oo Talaado ahayd in Cadnaani la dilay isagoo kormeerayay howlgalo militari oo ka socda Aleppo.

Cadnaani ayaa lagu qeexi jiray hoggaamiyaha labaad ee ugu sareeya kooxda hubaysan ee ISIS, wuxuuna ahaa mid kamid ah masuuliyiinta ugu xilhaynta dheer ee kooxda.

Faahfaahinta ku saabsan dhimashada Cadnaani ayaan wali cadayn.

Cadnaani ayaa kamid ahaa afar sarkaal oo sare oo Maraykanka uu aad u raadinayay, waxaana madaxiisa dulsaarnaa lacag dhan $5 milyan oo lagu abaalmarinayo cidii soo sheegta warbixin ku saabsan oo lagu soo qabanayo.

Bilowgii sanadkan, ayuu ku baaqay in weeraro culus la qaado inta lagu guda jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan. Sidoo kale wuxuu ku baaqay weeraro in lagu qaado wadamada Reer Galbeedka.

Kooxda ISIS ayaa maamusha dhul badan oo kuyaala wadamada Suuriya iyo Ciraaq, waxayna dagaal kula jirtaa ciidamada uu dabada ka riixayo Maraykanka iyo jabhadaha kale ee jooga labadaas dal.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*