Maraykanka iyo dowlada federaalka Soomaaliya oo kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo waxbarashada Soomaaliya oo ay ku baxayso $65 milyan

Agreement between USAID and FGS
Maamule ku xigeenka haayada USAID ee Afrika, Linda Etim iyo wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo kala saxiixday heshiiska. Sawirka: USAID.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Haayada horumarinta caalamiga ah u qaabilsan Maraykanka ee (USAID) iyo dowlada federaalka Soomaaliya ayaa heshiis labo geesood ah galay maanta kaasoo lagu xoojinayo horumarinta waxbarashada Soomaaliya.

Maamule ku xigeenka haayada USAID ee Afrika, Linda Etim, safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, Stephen Schwartz, wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Cabdulqaadir Cabdi Xaashi iyo wasiirka maaliyada Maxamed Aadan Ibraahim ayaa ka qaybgalay munaasabada saxiixa heshiiska.

Heshiiskan horumarinta waxbarashada iyo barnaamijka maaraynta ayaa ah kii kowaad oo ah heshiis horumarineed oo u dhaxeeya dowlada Maraykanka iyo dowlada federaalka Soomaaliya, waxaana ku baxaya $65 milyan isagoo socon doona muddo shan sanno ah.

“Dowlada Maraykanka waxay balanqaaday in ay taageerto dadaaalka dowlada federaalka Soomaaliya ugu jirto soo celinta waxbarashada asaasiga ah ee caruurta Soomaaliyeed iyo xoojinta wasaarada waxbarashada Soomaaliya si loo maamulo loona hoggaamiyo qaybta waxbarashada,” sidaa waxaa tiri ku maamule ku xigeenka haayada USAID ee Afrika, Linda Etim.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*