Tirada dhimashada weerarkii isbiimaynta ahaa ee xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho oo gaartay 22 qof

Ambullance
Gaariga lagu qaado dadka u baahan gargaarka deg dega ah oo guraya dadkii ku waxyeeloobay qaraxa Muqdisho.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Tirada dhimashada weerarkii isbiimaynta ahaa oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa gaartay 22 qof, sida ay sheegeen ilo-wareedyo caafimaad.

Qaraxa ayaa dhacay kadib markii gaari xamuul ah oo laga soo buuxshay waxyaabaha qarxa lagu qarxiyay banaanka hore ee xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Soomaaliya shalay oo Talaado ahayd.

Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay masuul ka tahay weeararkaas, sida ay baahisay idaacada kooxdaas ee Anadalus.

Ugu yaraan 20 qof oo ay ku jiraan wasiiro iyo wariyeyaal ayaa ku dhaawacmay weerarkii shalay dhacay.

25-sanno kadib oo colaado ah, dowlada federaalka Soomaaliya oo uu caalamka dabada ka riixayo ayaa doonaysa in ay dib u dhisto haayadihii dowliga ahaa ee dalka, balse kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sii wada weerarada dhimashada leh oo ay ku qaadayso saraakiisha dowlada iyo meelaha bulshada isugu yimaadaan, sida huteelada iyo makhaayadaha.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*