“Xubnaha 11-ka kursi ee doorashadooda la joojiyay kama aysan mid ahayn xildhibaanadii la dhaariyay.” Ayuu yiri Mr Dhagey.
Wuxuu intaas ku daray in xildhibaanada cusub ee aqalka sare iyo aqalka hoose ee kasoo jeeda Somaliland iyo qabiilooyinka Banaadiriga dhawaan lasoo dooran doono kahor inta xildhibaanada cusub aysan dooran afhayeenkooda.
Ku dhawaad 280 xildhibaan oo isugu jira labada aqal ayaa shalay oo Talaado ahayd lagu dhaarshay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.