Labo katirsan maleeshiyada ISIS oo lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka geystay Puntland

Maleeshiyaad katirsan ISIS. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror)  Labo katirsan maleeshiyada ISIS ayaa lagu dilay duqeyn ka dhacday Puntland, sida ay bayaan ku sheegeen taliska Mareykanka ee Afrika maanta oo Khamiis ah.

Duqeynta ayaa Arbacadii ka dhacday Buuraha Golis, bayaanka ayaa intaas ku daray.

Waa weerarkii shanaad oo ka dhan ah ISIS tan iyo 14-kii April, markaas oo duqeyn lagu dilay hoggaamiye ku xigeenkii ISIS Cabdixakiin Dhoqob.

Intii lagu guda jiray bishaan May, 17 dagaalyahan oo ISIS katirsanaa ayaa lagu dilay labo duqeymood oo Mareykanku uu ka geystay gudaha Puntland.

Waxay u muuqata in Mareykanku uu hadda bartilmaameedsanayo kooxda ISIS ee ku sugan gudaha Puntland.

Maleeshiyada ISIS ayaa kacdoonkeeda ka bilowday gudaha Puntland dabayaaqadii sanadkii 2015.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*