Shirkada Air Djibouti oo duulimaadyo ka bilaabi doonta Boosaaso

Shirkada Air Djibouti oo duulimaadyo ka bilaabi doonta Boosaaso. [Sawirka]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Shirkada diyaaradaha ee Air Djibouti ayaa sheegtay in ay duulimaadyo u dhaxeeya Boosaaso iyo dalalka deriska ah ay bilaabi doonto.

Ciise Guude Xaaji, maamule ku xigeenka shirkada Air Djibouti ayaa maanta oo Khamiis ah warhaanita ugu sheegay magaalada Boosaaso in shirkada ay bilaabi doonto duulimaadyo asbuucle ah.

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys oo loo yaqaan “Dhedo” ayaa duulimaadyada ay diyaarado bilaabi doonto ku tilmaamay tilaabo wanaagsan, oo kor u qaadi doona xiriirka ganacsi ee ka dhaxeeya Puntland iyo wadamada deriska.

Shirkada Shiinayska ah ee CCECC ayaa sanadkii 2016 dhistay dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka Boosaaso, waxaana dhaqaalaha bixiyay dowladda Talyaaniga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*