Burcadbadeeda Soomaaliya oo afduubtay markab shixnada qaada oo laga leeyahay Hindiya

Burcadbadeeda Soomaaliya oo afduubtay markab shixnada qaada oo laga leeyahay Hidiya. [Xigashada Sawirka: AFP]
Burcadbadeeda Soomaaliya oo afduubtay markab shixnada qaada oo laga leeyahay Hidiya. [Xigashada Sawirka: AFP]
Garoowe-(Puntland Mirror) Burcadbadeeda Soomaaliya ayaa afduubtay markab shixnada qaada oo laga leeyahay Hnidiya oo ay saarnaayeen 11 shaqaale ah, sida uu ku waramay taleefishinka Hindiya laga leeyahay oo la dhaho Times Now TV.

Dhacdada ayaa dhacday Sabtidii lasoo dhaafay, waxaana markabku waday shixnad uu ka keenay Dubai uuna u waday magaalo xeebeedka Mukala ee dalka Yeman, markii ay afduubteen burcadbadeedu.

Kabtanka markabka ayaa ku wargeliyay haayadaha Dubai in markabka la afduubtay, Wasaaradda Arrimaha Dibada ayaa sidoo kale cadaysay, sida uu ku waramay Times Now TV.

Afduubashada ayaa timid wax ka yar hal bil kadib markii burcadbadeeda Soomaaliya ay qabsadeen markab saliida qaada oo la dhaho Aris 13 oo ay saarnaayeen sided shaqaale ah oo u dhashay Sri Lanka, balse ay sii daayeen kadib shan beri oo afduubasho ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*