Wefdi katirsan golaha wasiiradda Puntland oo ku wajahan deegaanka Af urur ee Buuraha Galgala

Wefdi katirsan golaha wasiiradda Puntland oo ku wajahan deegaanka Af urur ee Buuraha Galgala. [Xigsahada Sawirka: Maxamed Xirsi Jabra/Puntland TV]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Wefdi katirsan golaha wasiiradda Puntland ayaa maanta oo Isniin ah ku wajahan deegaanka Af urur oo kuyaala Buuraha Galgala, sida ay Puntland Mirror u sheegeen ilo-wareedyo dowladda katirsan.

Wefdiga ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab, Wasiirka Caafimaadka Cabdinaasir Cusmaan Ciise Cuuke iyo kuwo kale.

Inta ay ku guda jiraan safarkooda, wasiiradda ayaa la filayaa in ay qiimayn ku sameyn doonaan khasaaraha ka dhashay weerarkii ay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen saldhiga ciidamada Puntland ay ku lahaayeen Af urur asbuucii lasoo dhaafay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*