TPEC oo shahaadooyin siiyay 10 urur siyaasadeed oo ka soo gudbay hanaanka diiwaangelinta

Guddoomiyaha TPEC oo shahaado guddoonsiinaya xubin ka socota urur siyaasadeedyada, Garoowe, August 15, 2020. [Isha Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Guddiga Kumeelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa maanta oo Sabti ah shahaadooyin siiyay 10 urur siyaasadeed kuwaasoo ka soo gudbay hanaanka diiwaangelinta.

Guddoomiyaha Guddiga Kumeelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Bare ayaa u mahadceliyay urur siyaasadeedyada.

“Waxaan u hambalyaynayaa urur siyasadeedyada Puntland ee soo baxay waana guul dhow oo kamid ah guulihii aan hiigsanaynay, maanta waxaanu heysanaa tiir kamid ah tiirarkii ugu waa weynaa ee barnaamijka,” ayuu yiri Guuleed.

10 urur siyaasadeed ayaa ka qeybgali doona doorashooyinka dowladdaha hoose oo la qaban doono dabayaaqada sanadka 2021, sida guddigu uu sheegay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*