Burundi oo ku hanjabtay in dhammaan ciidamadeeda ay kala bixi doonaan Soomaaliya

Askar katirsan ciidamada Burundi ee AMISOm. [Sawir Hore]
Bujumbura-(Puntland Mirror) Baarlamaanka Burundi ayaa ku taageeray dowladda hanjabaada ku saabsan in ay la bixi doonaan dhammmaan ciidamadooda katirsan Howlgalka Midowga Afrika ee AIMSOM ee Soomaaliya.

Midowga Afrika qorshahooda ku saabsan tartiib uga saarista ciidamada ajnabiga ah ee ku sugan Soomaaliya iyada oo Soomaaliya dhisanayso ciidankeeda kadib tobonaan sanno oo dagaal sokeeye ah, ayaa ka codsaday Burundi in ay la baxdo 1,000 askari oo katirsan 5,400 ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya.

Guddoomiyaha aqalka Senate-ka Burundi ayaa sheegay in haddii 1,000 askari la saaro ay natiijo la’aan ku keeni doonto dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, sidoo kalena ay khatar gelin doonto ciidamada kale ee Burundi ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Iyadoo habka howlgalka AMISOM uu dal walba siinayo in ay joogaan meelo gaar ah, ciidamada Burundi ayaa ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Burundi waa dalka labaad oo ku deeqay ciidamada AMISOM marka laga reebo Uganda, taasoo 6,200 ku deeqday.

Ciidamada AMISOM oo toban sanno ka badan Soomaaliya ka waday howlgal nabad ilaalin ah ayaa la filayaa in ay baxaan sanadka 2021 markaas oo ammaanka ay la wareegi doonaan ciidamada Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*