Tirada dhimashada qaraxii Muqdisho oo gaartay 276 qof

Tirada dhimashada qaraxii Muqdisho oo gaartay 276 qof. [Xigashada Sawirka: Anadolu]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Tirada dhimashada dadkii ku dhintay qaraxii loo adeegsaday gaariga ayaa gaartay 276 qof, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa qoraal boggiisa Twitter-ka soo dhigay ku sheegay.

In ka badan 300 qof oo kale ayaa ku dhaawacantay weerarkaas, sida uu wasiirku sheegay.

In ka badan 30 qof oo ku sugan xaalad deg deg ah ayaa maanta oo Isniin ah loo qaaday dalka Turkiga si halkaas loogu daaweeyo.

Qaraxii Sabtida ka dhacay Muqdisho ayaa ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca gudaha Soomaaliya abid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*