Puntland oo gurmad u diri doonta Muqdisho

Sawirka: Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali.

Boosaaso-(Puntland Mirror) Puntland ayaa gurmad u diri doonta Muqdisho si looga qeyb qaato caawimaada dadkii ku waxyeeloobay qaraxii gaariga ee ka dhacay Muqdisho.

Kulan deg deg ah oo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali maanta oo Talaado ah la qaatay golaha wasiiradda ayuu ku sheegay in dadka reer Puntland ay ka qeyb qaadan doonaan caawimaada walaalahooda reer Muqdisho oo dhibbaatadu soo gaartay.

“Dadka reer Puntland si mugle ayey uga qayb gelayaan taageerada walaalahood ee ay dhibtu gaartey, shirkii golaha wasiirradana ee maantana wax yaabihii kasoo baxay ee ugu muhiim sanaa waxay ahayd in si deg dega maalinta berito haddii Illahay yiraahdo ay u baxaan gargaarkii ugu horeeyey oo ka kooban daawooyin, dhakhaatiir iyo kalkaaliyayaal caafimaad si deg deg ah uga hawlgala arinta dadkaas waxyeeladu soo gaartey,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

MadaxweynahaPuntland ayaa xusay in gudi loo xilsaaray isku dubbarididada, abaabulka iyo isku xirka gurmadka loo fidinaayo shacabka walaalaheen ah ee ku waxyeeloobey qaraxii ka dhacay Muqdisho.

“Sidoo kale waxaanu magacawnay guddi ka kooban Golaha Wasiirrada Puntland  oo ay hormuud u yihiin Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Dekeddaha, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda caddaaladda oo hawshaas iyagu hormuud ka noqon doona isku dubbarididda, abaabulka iyo isku xidhka gurmadka walaalaheen,” ayuu madaxweyne Cabdiweli.

Ku dhawaad 300 qof ayaa ku dhimatay qarax weyn oo ka dhacay isgoyska Zoobe ee Muqdisho maalintii Sabtida, in ka badan 300 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Qaraxii Sabtida ka dhacay Muqdisho ayaa ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca gudaha Soomaaliya abid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*