Dadkii ku dhaawacmay qaraxii Muqdisho oo Turkiga lagu daaweyn doono

Dadkii ku dhaawacmay qaraxii Muqdisho oo Turkiga lagu daaweyn doono.[Sawirka: Anadolu]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dadkii ku dhaawacmay qaraxii gaariga ee Muqdisho ee Sabtidii shalay ayaa daaweyn caafimaad loo geyn doonaa Turkiga, sida ay ku warantay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu oo soo xiganaysa afhayeen u hadlay madaxtooyada Turkiga.

Afhayeenka oo la dhaho Ibrahim Kalin ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa Twiiter-ka ku yiri: “Diyaarad milatari oo gurmadka deg dega ah qaada ayaa maanta aadaysa Soomaaliya si daaweyn caafimaad gudaha Turkiga loogu siiyo dadkii Soomaalida ah ee dhaawacmay, waxaana ammarka bixiyay Madaxweynaheena Recep Tayyip Erdogan.”

In ka badan 80 qof ayaa lagu dilay qaraxa waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 100 kale.

Turkiga ayaa cambaareeyay qaraxa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*