Dekada Garacad oo xariga laga jaray


Garoowe-(Puntland Mirror) Wejigii kowaad ee Dekada Garacad oo ah mashruuc si gaar loo maalgeliyay ayaa maanta oo Sabti ah si rasmi ah loo daahfuray kadib ku dhawaad muddo saddex sanno ah oo ay dhismaheedu socday.

Dekada oo kutaala degmada Garacad ee gobolka Mudug ayaa saaran Badweynta Hindiya, waxaana ay noqon doontaa dekadii labaad oo kutaaala Puntland, maamul goboleedkii ugu horeeyay Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafe Maxamed Cagjar ayaa ka qeybgalay munaasibada xarig jarka dekada.

Dekada ayaa la filayaa in ay isku xirto ganacsiga Soomaaliya iyo Itoobiya oo ah wadan aan bad lahayn. Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in qeybtii kowaad ee dhaqaalaha wadada isku xiraysa labada dhinac la ogolaaday.

“Waxaan rabaa in aan idiin sheego in dekadan wadada ku xiraysa Itoobiya dhaqaalihii ku baxayay qeybtii ugu horeysay la ogolaaday,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*