PSF ayaa qoraalka ku sheegay in ay dileen maleeshiyo badan ayna burburiyeen saldhigyo intii ay socdeen madaafiicdu, balse warsidaha Puntland Mirror si madax-banaan uma xaqiijin karo khasaaraha.
Asbuucii lasoo dhaafay, tobonaan katirsan ciidamada Puntland ayaa lagu dilay weerar ay Al-Shabaab la beegsatay saldhig ciidan oo kuyaala Buuraha Galgala.
Maalmihii dhawaa ee lasoo dhaafay, Garoowe ayaa wacad ku martay in ay kordhinayso dagaalka ka dhanka ah xagjiriinta Al-Shabaab si looga sifeeyo meelaha ay ka haystaan Buuraha Galgala.
Al-Shabaab ayaa joogtay Buuraha Galgala tan iyo sanadkii 2010-kii, waxayna qaaday weeraro badan.