Tirada dhimashada oo sii kordhaysa kadib duufaanta Hurricane Matthew oo ku dhufatay dalka Haiti

Khasaaraha ugu badan ayaa ka dhacay gudaha magaalooyinka iyo tuulooyinka kalluumaysiga. [Sawirka: Reuters]
London-(Puntland Mirror) Tirada dadka ku dhintay duufaanta Hurricane Matthew oo ku dhufatay dalka Haiti ayaa korodhay labo maalmood kadib markii dufaan xun ay halkaas ka dhacday.

Wakaalada wararka Reuters ayaa ku warantay in tirada dhimashada ay gaartay ugu yaraan 572 qof.

Khasaaraha ugu badan ayaa ka dhacay gudaha magaalooyinka iyo tuulooyinka kalluumaysiga ee ku hareeraysan galbeedka cirifka gacanka Tuburon ee koonfurta-galbeed ee Haiti, iyadoo dad badan oo dhintay ay dileen geedaha oo soo dhacay, jajab duulaya iyo wabiga oo fatahaad sameeyay.

Matthew ayaa ah duufaanta ugu culus oo ka dhacda Caribbean tan iyo 2007-dii.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*