Puntland oo dib u bilowday dhismaha maxjarka xoolaha Gaalkacyo iyadoo xaalada goobta dagaalkii shalay ka dhacay ay dagantahay

Maxjarka xoolaha ee laga dhisayo magaalada Gaalkacyo. [Sawirka: Puntland Mirror]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Puntland ayaa dib u bilowday dhismaha maxjarka xoolaha ee Gaalkacyo kadib dagaal shalay oo Jimce ahayd ka dhacay meesha laga dhisayo maxjarka oo kuyaala xaafada koonfurta-galbeed ee Gaalkacyo kutaala ee Garsoor, sida ay ilo-wareedka sheegayaan.

Shalay oo Jimce ahayd ayaa halka maxjarka laga dhisayo waxaa soo weeraray maleeshiyaad kasoo jeeda maamulka Galmudug, waxaana dhacay dagaal culus oo dhexmaray maleeshiyadii iyo dad shacab ah oo Puntland ah.

Ugu yaraan 10 qof oo labadii dhinac oo dagaalamay ah ayaa dagaalkii shalay oo Jimce ahayd ku geeriyooday.

Sida mid kamid ah dadka deegaanka uu u sheegay warsidaha Puntland Mirror, xaalada guud ee magaalada Gaalkacyo ayaa dagan maanta, rasaas teel teel ah ayaa laga maqlayaa saakay oo Sabti ah meesha uu dagaalkii shalay ka dhacay oo kutaala duleedka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo,

Puntland ayaa bilowgii bishii lasoo dhaafay ee September joojisay in ay Gaalkacyo ka gudbaan dhamaan baabuurta wata xoolaha nool iyo qudaarta, kadib qarax isbiimayn ahaa oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo, dowlada ayaa soo rogtay in maxjar xoolaha dhanka koonfurta Soomaaliya ka imaanaya lagu kala wareejiyo laga dhiso dhanka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo.

Gaalkacyo ayaa u qaybsanta labo dhinac, mid waxaa gacanta ku haysa oo maamusha dowlada Puntland kan kalena waxaa jooga maamulka Galmudug.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*